India oo hal maalin laga xaqiijiyay ku dhawaad 10,000 oo ah kiisaska coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee cudurka Covid-19 oo ah ku dhawaad 10,000 .
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale dowladda India ay dib u furayso maqaayadaha , goobaha cibaadada iyo dukaamada waaweyn ee ku yaalla in badan oo gobollada dalkaas ka mid ah.
Dib u furka xarumahan ayaa ku soo beegantay kaddib xayiraad dhanka isku socodka ah oo jirtay in ka badan laba bilood.
Dowladda India ayaa soo celisay qeybo ka mid ah adeegyadii tareenada iyo duulimaadyada gudaha.
Sido kale warshadaha soo saaro badeecooyinka kale duwan ayaa loo ogolaanaya inay shaqeyaan in kastoo goobaha waxbarashada ay weli xiranyihiin.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa maanta shaacisay 9,985 ah kiisaska cusub ee Coronavirus iyo dhimasho gaaraysa 274.
Ilaa iyo hadda dalka India waxaa laga diiwaangeliyay xaalado corona oo dhan 276,583 iyo dhimashada 7,745 qof oo uu noloshooda galaaftay cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here