India oo laga diiwaangeliyay ku dhawaad 10 kun oo kiisas cusub ah

Dowladda dalka India ayaa maanta shaacisay inay xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira caabuqa corona oo gaaraya 9,996.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee maalinla ah.
Dhimashada cusub ee ka dhalatay cudurka Covid-19 ayaa gaaraysa 357.
Kiisaska guud ee coronavirus ee India ayaa hadda ah ugu yaraan 286,000 halka dhimashada ay kor u dhaafayso 8,000.
Dalka Filibiin waxaa laga diiwaangeliyay sagaal xaaladood oo cusub oo dhimasho ah iyo 443 kiis.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay xaqiijisay xaalado dhan 24,175 halka dhimashada ay marayso 1,036.
Kiisaska coronavirus ee dalka Ruushka ayaa ka sare maray 500,000 kaddib markii maanta la shaaciyay xaalado cusub oo ah 8,779.
Tirada guud ee xaaladaha corona ee ilaa iyo hadda laga helay gudaha Ruushka ayaa ah 502,436 halka dhimashadu ay tahay 6,532 .
Dhanka Maraykanka kiisaska cudurka COVID-19 ayaa kor u dhaafay 2 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto fayraska iyo xaaladaha sii kordhaya.
Tirada kiisaska corona ee Maraykanka ayaa hadda ah 2 milyan afar boqol lixdan iyo afar kun halka dhimashasa ay tahay ku dhawaad 113,000 qof waxaana cudurka halkaas laga bogsaday in ka badan 533,000.
Xaaladaha caabuqa coronavirus ee laga diiwaangeliyay gudaha dalka Jarmalka ayaa waxaa ku kordhay 555 waxayna hadda yihiin 185,416.
Sida laga soo xigtay machadka dabagalka ku sameeya cudurada faafa ee (RKI) waxaa sido kale sare u kacday dhimashada.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Jarmalka waxaa cudurka Covid-19 ugu dhintay 26 qof tani oo dhimashada guud ka dhigaysa 8,755.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here