India oo laga diiwaangeliyay ku dhawaad 20,000 oo kiisas cusub ah

Dowladda India ayaa shaaca ka qaadday in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la xaqiijiyay 18,522 oo ah xaaladaha cusub ee cudurka COVID19.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo maamullada magaalooyin badan ay isku diyaarinayaan inay fududeeyaan xayiraadaha dhanka isku socodka ee lagu xakameynaya faafitaanka coronavirus.
India waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 550,000 oo xaaladood.
Gudaha dalkaas waxaa cudurka ugu dhintay ugu yaraan 16,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here