India oo laga diiwangaliyay kiisaskii ugu badnaa COVID-19

Dalka India waxaa laga xaqiijiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay kiisaskii ugu badnaa Corona Virus taas oo dhan 39,000.
Xaaladaha laga helay dalkaas waxaa ay maraysa in ka badan 1 milyan
Hong Kong waxaa uu soo rogay xayiraado cusub ka dib markii saacadihii la soo dhaafay laga helay 100 kiis.
Guud ahaan dunida dhimashada COVID-19 waxaa ay gaartay 601,213, sida ay muujinaysaa xogtii ugu dambaysay oo ay aruurisay jaamacadda Johns Hopkins oo kor kala socota xaalada caabuqaan.
Kiisaska guud ee caalamka waxaa ay marayaan 14.2 iyadoona ay ka soo kabsadeen 7.9 million oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here