India oo laga xaqiijiyay 77,266 oo ah kiisaska coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaangelisay xaalado cusub oo COVID19 ah oo dhan 77,266.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska coronavirus ee India ka dhigtay 3.39 milyan.
Wadanka India ayaa ah dalka saddexaad ee laga xaqiijiyay xaaladaha fayraska corona ee ugu badan caalamka marka laga soo tago Maraykanka iyo Brazil.
Sido kale waxaa cudurka COVID19 halkaas ugu dhintay 1,057 qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka gudah India tahay 61,529.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here