India oo laga xaqiijiyay in ka badan 60 kun oo ah xaaladaha cusub ee COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay inay maalinkii toddobaad oo xiriir ah ay diiwaangelisay ugu yaraan 60,000 oo ah kiisaska fayraska corona.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha wadankaas laga xaqiijiyay 60,975 oo xaalado cusub ah.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee India ayaa hadda ah 3.17 milyan.
Dhimashada waxaa ku kordhay 848 waxayna hadda guud ahaan tahay 58,390.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here