India oo laga xaqiijiyay in ka badan 78,000 oo ah xaaladaha cusub ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa hal maalin gudaheed xaqiijisay 78,761 oo ah kiisaska cusub ee cudurka COVID19.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee 24 saac gudahood wadan ku yaalla caalamka laga diiwaangeliyo tan iyo markii uu cudurka soo billowday dabayaaqadii sannadkii hore.
16-kii bishii toddobaad ee sannadkan ayaa Maraykanka laga xaqiijiyay 77,299 oo xaalado cusub ah.
India ayaa ah wadanka saddexaad ee dunida ee laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan ee fayraska corona marka laga soo tago wadamada Maraykanka iyo Brazil.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa maalin kasta gudaha India laga xaqiijinayay kiisas ka badan kuwa laga diiwaangelinayay Maraykanka iyo Brazil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here