India oo laga xaqiijiyay in ka badan 89,000 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay inay diiwaangelisay xaalado cusub oo COVID19 oo dhan 89,706.
Waxaa sido kale cudurka gudaha India ugu dhintay 1,115 qof oo dheeraad ah.
India ayaa ugu yaraan hal bil maalin kasta laga xaqiijinayay kiisaska ugu badan ee caalamka .
Sido kale sideed cisho oo xiriir ah waxaa halkaas maalin kasta cudurka ugu dhimanayay ugu yaraan 1,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here