India oo laga xaqiijiyay in ka badan 95,000 oo ah xaaladaha cusub ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in ay 24 saacadood gudahood diiwaangelisay kiisas cusub oo COVID19 oo gaaraya 95,735 .
Waxaa sido kale cudurka u dhintay 1,172 qof sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
India ayaa ka mid ah dalalka laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan caalamka ee caabuqa corona.
Guud ahaan dunida waxaa uu cudurka COVID19 haleelay 27.7 milyan oo qof .
901,050 ayaa cudurka u dhimatay halka ay ka caafimaadeen 18.6 milyan sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha cudurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here