India oo laga xaqiijiyay kiisaskii ugu badnaa ee coronavirus ee maalinla ah

Dalka Hindiya

India ayaa diiwaan gelisay tiradii ugu badneyd ee maalinla ee fayraska koroona iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay kiisasku ay gaareen 6,767 sida laga soo xigtay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dalkaasi.
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ka dhigaysa 131,868.
Dhimashada ka dhalatay cudurka Covid-19 ee gudaha India waxaa ku kordhay 147 waxayna hadda tahay 3,867.
Sida laga soo xigtay Telefishanka New Delhi ee dalka India maalintii saddexaad ayaa halkaas laga diiwaangeliyay in ka badan 6000 kiis cusub.
107 jir u dhalatay dalka Iiiraan ayaa ka bogsatay cudurka coronavirus sida ay werisay wakaaladda wararka Fars ee dalka Iiraan.
Dhanka kale Maamullada caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa sheegaya inay 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaangeliyeen 153 dhimasho ah oo la xiriira cudur sidaha coronavirus ilaa iyo hadda waxaa gudaha Ruushka cudurka ugu nafwaayay 3,541,
Waxaa ay sidoo sheegtay in la diiwangeliyay 8,599 xaaladood oo cusub taas oo tirada guud ee cudurka ka dhigaysa 344,481.
Guud ahaan caalamka waxaa cudurka covid-19 u dhintay in ka badan 342,000 qof
Dadka uu sameeyay caabuqa waxay tiradoodu maraysa 5.3 milyan halka in ka badan 2 milyan ay ka bogsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here