India oo qaadaysa xayiraadda dhanka safarrada ee Kashmiir

Dowladda India ayaa sheegtay in laga billaabo maalinka khamiista ee toddobaadkan ay meesha ka saari doonto xayiraad la xariira safaradda oo horay loogu soo rogay gobolka Kashmiir.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa laba bilood kaddib markii xukuumadda New Delhi ay gobolkaasi ka bilowday howlgallo.
Sido kale waxay horay waxba kama jiraan uga soo qaadday maqaam gaar ah oo uu lahaa gobolka Kashmiir.
Kashmiir waxaa ku muransan dalalka India iyo Pakistan iyadoo dowladda Pakistan ay walaac ka muujisay howlgallada socdo ee saameynta ku yeeshay shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here