India oo soo tabisay tiradii ugu badneeyd ee maalin laha ee fayraska koroona

Dalka India ayaa xaqiijiyay tiradii ugu badneeyd ee maalin laha ah ee ka dhanka ah fayraaska koroona waxaana 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalkaasi laga soo tabiyay 5,242 kiis iyo dhimashada 157.
Dalkan oo hadda laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan Aasiya ayaa waxuu fayraska haleelay in ka badan 96,000 oo qof halka ay u dhinteen 3,029.
Kiisaskan ayaa imaanaya maalin un ka dib markii dawladda ay kor dhisay mudada ay xayiraada saarnaanayaan dalkaasi ila iyo 31-da bishan May balse ay khafiifisay qaar kamid ah xayiraadaahaasi si dib loogu soo celiyo dhaqaalaha wadanka.
Spain ayaa markii ugu horreesay muddo labo bilood ah xaqiijisay dhimashada maalin laha oo ka yar boqol, halka Taliyaanigu uu sidaasi lamid ah soo tabiyay tan iyo markii xayiraadaha la saaray dalka.
Xukuumadda Yaman ee ay taageerto Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay qarinayaan tiro badan oo ah fayraaska koroona goobaha ay maamulaan.
Xukuumaddan fadhigeedu yahay Cadan ayaa sido kale gargaar calami ah dalbatay si loo taageero nidaamka caafimaad ee liito ee dalkaasi.
Dawladda ayaa tabisay 128 kiis oo kaliya oo la xiriira cudurka COVID-19 iyo dhimashada 20 qof guud ahaan 21-ka gobol ee Yaman.
Xuutiyiinta oo gacanta ku haya goobaha ugu dadka badan ayaa dhankooda soo tabiyay oo kaliya 4 kiis iyo hal dhimasho ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in ay degdeg tahay in si dhaqso ah loo bilaabo baaritaan ku aadan halka uu kasoo faracmay caabuqa coronavirus.
Waxay wasaaradda sheegtay in madaxweeyne Xi Jinping uu hadal ka jeedin doona shirka habka maqalka iyo muuqaalka ee Golaha Caafimaadka Adduunka maanta.
Dowladda dalka Indonesia ayaa maanta shaacisay inay xaqiijisay 496 ah xaalado cusub oo la xiriira caabuqa corona .
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska fayraska ee gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 18,010.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee wadankaas laguna magacaabo Achmad Yurianto ayaa sido kale xusay inay jiraan 43 ah kiisaska dhimasho ee cudurka COVID-19 .
Ilaa iyo hadda waxaa dalka Indonesia xanuunkan ugu dhintay 1,191 qof.
Sido kale waxaa caafimaaday 4,324 qof halka tirada guud ee dadka la baaray ay yihiin ugu yaraan 143,030 qof.
Toddobaadka soo socdo waxaa lagu wadaa in golaha wasiirrada ee wadanka Spain ay ansaxiyeen 33.5 bilyan oo lacagta yuurooda ah si loogu kabo hannaanka dakhliga aasaasiga ah.
Dhanka galbeedka dalka Jarmalka 130 qof oo ku jiray xarun lagu hayo dadka magan galya doonka ah ayaa lagu soo warramayaa in laga helay
Guud ahaan caalamka waxaa uu fayraskan ku dhacay dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 4.7 milyan, waxaa u dhintay in ka badan 315,000 halka ay ka bogsadeen 1.7 milyan oo qof.
Qaarada Afrika waxuu COVID-19 soo ritay ku dhawaad 87,000 oo qof halka uu nolashoodu galaftay 2,785.
Waxaa kasoo kabatay 33,500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here