India oo xaqiijisay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 28,637

Dowladda dalka India ayaa 24-kii saacadoo ee ugu dambeeyay diiwaangelisay kiisas hor leh oo COVID19 oo gaaraya 28,637 .
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha fayraska corona ee wadankaas ka dhigtay ku dhawaad 850,000.
Sare u kaca kiisaska ayaa sababay in maamullada India ay magaalada koonfureed ee Bangalore ku soo rogaan xayiraad shaqeynaysa muddo hal isbuuc ah.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa dhanka kale sheegtay inay cudurka u dhinteen 551 qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada guud tahay 22,674.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here