Indonesia oo laga diiwaangeliyay in ka badan 1000 ah kiisaska cusub ee corona

Dowladda Indonesia ayaa maanta shaacisay inay xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira caabuqa corona oo gaaraya 1,031.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay ka dhigtay 41,431.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Indonesia Achmad Yurianto ayaa sheegay in sido kale la xaqiijiyay 45 kiisas dhimasho dheeraad ah.
Tirada guud ee dadka uu cudurka Covid-19 noloshoodu ku galaaftay gudaha Indonesia ayaa hadda ah 2,276.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here