Indonesia oo laga xaqiijiyay in ka badan 1,600 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa sheegtay inay diiwaangelisay xaalado hor leh oo la xiriira fayraska corona oo dhan 1,611.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 72,347.
Sido kale 52 xaaladood ayaa ku kordhay dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19 ee wadankaas waxayna hadda wadarta guud ee dhimashada tahay 3,469.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ,Achmad Yurianto ayaa laga soo xigtay in dadka cudurka ka caafimaaday ay tiradoodu tahay 33,529.
Dhanka kale dalka India ayaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo coronavirus oo dhan 26,506.
Tirada guud ee kiisaska ayaa hadda ah ku dhawaad 800,000 halka dhimashadu ay tahay ugu yaraan 21,000.
Dalka Ruushka waxaa laga diiwaangeliyay 174 oo dhimasho ah .
Dhimashada guud ee gudaha Ruushka waxay hadda kor u dhaaftay 11,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here