Indonesia oo laga xaqiijiyay kiisas iyo dhimasho cusub

Dowladda dalka Indonesia ayaa xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira caabuqa coronavirus oo gaaraya 1,111 iyo dhimasho cusub oo ah 48.
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha ka dhigtay 36,406 halka dhimashada ay gaartay 2,048.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Achmad Yurianto oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Indonesia.
Mr.Yurianto ayaa sido kale sheegay in 577 bukaan oo dheeraad ah ay cudurka ka bogsadeen tani oo tirada guud ee dalka Indonesia kaga caafimaaday Indonesia ka dhigtay 13,213 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here