Indonesia oo sii adkeynaysa xayiraadda dhanka isku socodka

Madaxweynaha dalka Indonesia Joko Widodo ayaa maanta oo isniin ah sheegay inuu qorsheynayo inuu soo saaro xayiraado dheeraad oo la xiriira dhaqdhaqaaqa shacabka.
Waxaa la adkeynayaa isku socodka dadweynaha ee gobollada dhexdooda.
Sido kale waxaa uu qorshuhu yahay in la dhaqangeliyo xeer ballaaran oo ku saabsan kala fogaanshaha dadka.
Tallaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka Coronavirus.
Arrimahan ayuu madaxweyne Widodo ka sheegay furitaanka shirka golaha wasiirada.
Afhayeenka madaxweyne Indonesia , Fadjroel Rachman ayaa qoraal uu Twitarka soo dhigay waxaa uu ku xusay in Mr. Widodo uu guda galayo marxalad cusub oo lagula dagaalamayo cudurka COVID-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here