Indonesia oo xaqiijisay 130 kiisas cusub oo ah kuwa coronavirus

Dowladda Indonesia ayaa maanta oo Axad ah sheegtay inay xaqiijisay 130 oo ah kiisaska cusub ee caabuqa Coronavirus.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska halkaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 1,285 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Indonesia oo lagu magacaabo Achmad Yurianto ayaa sheegay in 12 qof oo dheeraad ay u dhinteen cudurka Covid19.
Ilaa iyo hadda cudurkan waxaa gudaha Indonesia ugu dhimatay 144 qof halka ay ka bogsadeen 64 ruux.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in baaritaano lagu sameeyay in ka badan 6,500 oo qof guud ahaan wadankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here