Ingiriiska oo Ismaamulka Nairobi ugu Deeqay 200 oo Malyan oo Shillin

Dowlad  deegaanka  Nairobi  ayaa deeq lacageed oo dhan 200 oo milyan ka  heshay   dowladda UK.

Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa  sare u qaadidda  la xariirta maaraynta musiibooyinka iyo wax ka qabashada xaaladaha  degdega ah.

Guddoomiyaha ismaamulka  Nairobi , Mike Sonko ayaa sheegay in lacagtan la helay xilli la isku diyaarinayo  sidii loo xakameyn lahaa  saameynta ka dhalan karto roobab lixaad leh oo la filayo inay  da’aan.

Mr. Sonko ayaa hoosta ka xariiqay  in dhaqaalaha uu ingiriisku bixiyay  lagu badbaadin doono nolosha shacabka Nairobi iyo waxyaabaha  ay ku tiirsanyihiin.

Waxaa dib u habeyn lagu sameynayaa  waaxda qaabilsan maaraynta musiibooyinka  si ay ugu suurtagasho inay si deg deg ah  uga  jawaabto  xaaladaha ay ka midka yihiin  fatahaadaha.

Mark Pelling oo ka  mid ah  barayaasha sare ee culuunta  joqoraafiga  ee  machadka Kings  College ee London ayaa  sheegay in deeqdan ay bixisay UK ay istaraatiiji u tahay boqortooyada Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here