Ingiriiska oo Kenya ugu deeqaysa lacag malaayiin ah

Boqortooyada Ingiriiska ayaa shaacisay in lacag dheeraad ah oo dhan 717 milyan oo shilinka dalka ah ay siin doonto Kenya si loogu taageero 50,000 oo qoysas danyar ah.
Qoysaska lacagaha loogu talagalay ayaa ku kala nool magaalada Nairobi iyo Mombasa sida ay sheegtay Britain.
Wakiilka Sare ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Kenya, Jane Marriott, oo ka hadashay arriintaan ayaa sheegtay in xiligan lagu guda jiro musiibo caalami ah ee COVID-19 taas oo la doonayo in la caawiyo dadka dan yarta ah.
Waxay sheegtay in dunida dhan ay ku jiraan musiibo lana doonayo in si wadajir ah la isaga kaashado saameyntan.
Ingriiska ayaa marar badan waxaa uu Kenya ka taageray dhanka dhaqaalaha gaar ahaana xiliga uu dalka saameeyay Corona Virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here