Ingiriiska oo qaabilaya 3 milyan oo ka mid ah shacabka Hong Kong

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay fududeyn doonto shuruucda la xiriirta socdaalka iyo bixinta dal ku galka si ilaa 3 milyan oo qof oo ka soo jeedo Hong Kong ay ugu suurtagasho inay dib u dejin helaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hadii dowladda Shiinaha ay sii wado inay gudaha Hong Kong ka dhaqangeliso sharci qaran oo dhanka amniga ah ay malaayiin qof jinsiyadda Ingiriiska siinayaan.
Sharciga la xiriira amniga ee dhawaan uu ansaxiyay baarlamaanka Shiinaha ayaa dhigaya inay dambi tahay inaan la qadarin heesta qaran ee xukuumadda Beijing.
Mr. Johnson ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha Shiinaha uu liddi ku yahay xuriyadda iyo dimuqaradiyadda dhanka madax bannaanida ah.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in isbeddellada ay sameynayaan ay noqon doonaan kuwii ugu ballarnaa ee taariikhda arrimaha socdaalka boqortooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here