Inka Badan 60 Gaadiid oo ku xanibay duleedka Degmada Wanlaweyn

Warka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Gaadiidkaan badan oo kuwa xamuulka qaada ah kana ambabaxeen Magaalada Muqdisho, kuwaasoo badeecooyin kala duwan u waday degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Darawaliinta Gaadiidkaan ayaa warbaahinta gudaha sheegay in sababta ay halkaasi ugu xayiran yihiin ay tahay lacago Canshuur dheeraad ah oo ay kusoo rogeen ciidamo siday Tilmaameen ka mid ah kuwa Daraawiishta ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Mid kamid ah Darawalada Gaaiidka ku xayiran duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed ay jidgooyooyin u dhigteen,isla markaana ay lacago faraabdan ka rabaan badeecada saaran gaadiidkaas taasoo uu Tilmaamay inaysan Awoodin.
Waxaa uu sheegay in muddo Afar Cisho ah ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Walanweyn ku dhawaad 60 Gaadiidka Xamuulka wada,aysana ka warqabin sababta lacagaha dheeraad ah uu Maamulka Koonur Galbeed uga doonayo.
Dhowr jeer oo hore ayaa Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Xamuulka Qaadana kuna safra wadooyinka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose waxaay cabasho ka muujinayeen Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo jidgooyooyin u dhigtay,kana doonaya lacago farabadan oo aysan awoodin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here