DHAGEYSO:IPOA oo baaraysa dil la sheegay inay boolisku gaysteen

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA ayaa sheegay inuu guda galay baaritaano ku aaddan nin saraakiisha ammaanka lagu eedeynaya inay aad u jirdileen taasoo sababtay inuu geeriyoodo.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Khamisi Juma bega ayaa ka mid ahaa wadayaasha mootooyinka.
Waxay wararku intaas ku darayaan in booliska ay dhibaateeyeen xilli ay fulinayeen bandowga wadanka ka jiro.
Bandowga oo dhaqangalay 27-kii bishan ayaa shaqeynaya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Qoyska Khamisi oo ahaa 49 sano jir ayaa sheegaya in xilliga uu ciidamada la kulmayay uu waday haweeney uur leh oo isbitaalka u jeeday.
Dhacdadan ayaa habeenkii ay sabtida soo galaysa laga soo tabiyay wadada weyn ee isku xirta Mombasa iyo Lungalunga .
Xubnaha qoyska iyo hay’adaha u dodo xuquuqul aadanaha ayaa dalbanaya in tallaabo laga qaado saraakiishii falkaasi gaystay

Meydka Khamisi ayaa hadda yaalla goobta meydadka la dhigo ee isboitaalka guud ee gobolka xeebta si loogu sameeyo baaritaano lagu xaqiijinayo inuu u dhintay jirdil ay boolisku u gaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here