IPOA oo baaraysa jirdil ay shalay booliska ka gaysteen Nairobi

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska dalka ee IPOA ayaa guda galay baaritaano la xiriira jirdil ay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka shalay u gaysteen wakiilka deegaanka hoose ee Mlango Kubwa ee ismaamulka Nairobi Patricia Mutheu.
Tani ayaa timid kaddib markii warbaahinta dalka ay baahisay muuqaal laga dhex arkaya saraakiil haweeneydan aad ugu jirdilaya gudaha xarunta golaha hoose ee Nairobi.
Ciidamada ammaanka ayaa ka falcelinayay iskuday ku aadaana in si Khasab ah xafiiska looga saaro guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi Beatrice Elachi.
Guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori ayaa sheegtay inay xiriir la sameyeen dad ku sugnaa golaha xilli uu qalalaase dhacay.
Waxay intaa ku dartay in baaritaano qoto dheer la sameynaya si loo ogaado kaalinta ciidamada ammaanka ee howlgallada ka fulinayay xarunta golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi.
Haweeneyda la jirdilay oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ayaa sheegtay in iyadoo sharciga raacaysa ay caddaalad raadsan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here