IPOA oo baaraysa toogasho ka dhacday Nandi

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA uu guda galay baaritaano ku aaddan toogasho ka dhacday ismaamulka Nandi.
Falka ay boolisku ku kaceen oo uu ku dhintay hal qof ayaa laga soo tabiyay magaalada Lessos .
Shalay ayay ahayd markii Mutyambai uu sheegay in gacanta lagu dhigay dhammaan saraakiishii falkaasi ku kacay.
In kastoo uunan arrinkan faahfaahin badan ka bixin waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baaritaano qoto dheer lagu sameynaya sida ay wax u dhaceen.
Dilka ayaa yimid kaddib markii iskuday ay sameyeen booliska oo ku aaddaneyd inay xabsiga u taxabaan mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo lagu eedeyay inuu jabiyay amarrada dowladda ay rabshad ka dhalatay.
Ninka dhintay oo da’diisu lagu sheegay 40 sano ayay xabad ku dhacday xilli booliska ay kala eryayeen dad doonayay inay saraakiisha ka hor istagaan qabashada eedeysanaha .
Wasaaradda caafimaadka ayaa horay u sheegtay in wadayaasha mootooyinka laga doonayo inay maaskaro xirtaan sido kalena aynan qaadin rakaab ka badan hal qof.
Sido kale wadaha mootada iyo rakaabka ayaa laga doonaya inaynan aad isugu dhawaan.

Guddoomiyaha maamulka IPOA Anne Makori ayaa sheegtay in hadda ay socdaan baaritaannada dhacdadaas ku saabsan oo ayna soo bandhigi doonaan waxyaabaha ka soo baxa si cidii dambi lagu cadeeyo tallaabo sharciyeed looga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here