IPOA oo walaac ka muujisay arxaan darro ay booliska gaystaan

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee (IPOA) ayaa walaac ka muujiyay waxaa uu ku tilmaamay sare u kac ku saabsan arxaan darrada ciidamada ammaanka lagu eedeyo inay shacabka kula kacaan.
IPOA ayaa sheegtay in dilal dhawaan laga fuliyay Kasarani, Majengo iyo Shauri Moyo oo ka tirsan Nairobi ay tahay mid aan la fududeysan karin.
Maamulkan ayaa intaas ku daray in baaritaannada ku aaddan dhacdooyinkan in hadda heer sare ay marayaan oo natiijada ka soo baxdo dhawaan dadweynaha lala wadaagi doono.
Sido kale waxaa uu maamulkan ballanqaaday in baaritaannada kaddib hadii saraakiisha ammaanka lagu caddeeyo inay awood xad dhaaf ah adeegsadeen tallaabada ku habboon laga qaadi doono.
Guddoomiyaha IPOA, Anne Makori ayaa sheegtay in booliska oo awood adeegsado ay tahay tallaabada ugu dambeysa ee ay qaadi karaan haddii ay is difaacayaan.
Waxay intaa sku dartay inay farriimo ka qoreen goob joogayaal dhowr ah si dhibaatooyinka dhacay dhinacyo badan looga eego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here