IPOA oo xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya hay’adaha u doodo xuquuqul aadanaha

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dadaalayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeya shakhsiyaadka , kooxaha iyo hay’adaha u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitarka IPOA ayaa lagu sheegay in tani looga gol leeyahay sidii lagu xaqiijin lahaa in ciidamada booliska lagula xisaabtamo falalka ay gaystaan.
Sido kale IPOA ayaa hoosta ka xarriiqday inay ogaatay in xadgudubyada booliska lagu eedeyo ee ka dhanka ah shacabka inta badan inay ka dhacaan xaafadaha isku raranta ah.
Guddoomiyaha maamulka IPOA ,Anne Makori ayaa xustay inay lagama maarmaan tahay in labada dhinac ay yeeshaan iskaashi dhow oo ka dhaxeeya.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay la kulantay wakiillada in ka badan 25 hay’adood oo u doodo xuquuqul aadanaha kuwaasoo ka jira gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here