Iraan oo qorsheyneyso in dib loo furo masaajidada ee goobaha uu ka jirin cudurka Coronavirus

Iiraan ayaa qorsheeyneysa in dib loo furo masaajidada qeybo kamid ah dalka oo aan si joogta ah looga soo tabin kiisaska cudurka coronavirus iyada oo xayiraadaha si tartiib ah looga fududeynaya.
Iiran oo kamid ah dalalka sida weyn uu u saameeyay cudurkan Bariga Dhexe ayaa loo qeybin doona saddex gobol oo kala ah caddaan, jaale iyo casaan.
Goboladan ayaa lagu saleeyn doona tirada dadka uu soo ritay cudurkan iyo kuwa uu nolashoodu galaftay sida uu shaaciyay madaxweynaha wadankaasi Xassan Ruuxaani.
Madaxweyne Ruuxaani ayaa maalinkii Axada sheegay in goobaha sida joogtada ah uu u saameynin cudurka Corona loo calamadeyn doono caddaan isla markaana dib looga furi doono masaajidada.
Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa sheegay in ilaa iyo 116 ismaamul goboleed loo calaamadeyn doono midinka caddanka ah taas oo micnehedu tahay in dib looga furi doona masaajidada laguna tukan doona salaada jimcaha halka 134 lagu dari doona midibka jaalaha.
Iiraaniyinta ayaa dib ugu laabanayay goobaha dukaamada iyo bakhaaraha isbuucyadii ugu dambeeyay iyada oo laga khafiifiyay xayiraadaha.
Waxa dalkaasi ugu geeriyooday cudurka COVID-19 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ka badan 60 qof halka dhimashada guud ay dhan tahay 5,710.
Tirada guud ee kiisaska dadka uu soo ritay cudurka ayaa gaartay 90,481 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here