Iran oo dil ku fulisay nin u basaasay Maraykanka

Waxaa maanta oo isniin ah xukun dil ah lagu fuliyay nin u dhashay wadanka Iiraan oo lagu eedeyay inuu u basaasay Maraykanka iyo sirdoonka Israa’iil.
Wakaaladda rasmiga ee warararka ee dowladda Iiraan , IRIB ayaa sidatan ku warramaysa.
Bishii hore ayay ahayd markii waaxda caddaaladda ee dalkaas ay sheegtay in Maxamuud Mousavi-Majd oo la xiray sannadkii 2018-kii uu dembigan galay.
Waxay maxkamaddu ku caddeysay inuu Maraykanka iyo Israa’iil la wadaagay xog sir ah oo ku saabsan taliyihii ciidamada kacaanka Iiraan ee lagu dilay Ciraaq Qassem Soleimani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here