Iran oo lagu tuhmayo weerarkii maraakiibta

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in khuburo milatari ay rumeysan yihiin in waxyaabaha qarxa loo adgeegsaday in lagu duqeeyo afar Markab oo lagu weeraray xeebta Imaaraadka Carabta.
Weerarkan ayaa waxaa lagu tumaaya in ay fulisay Iran inkasto aan wax cadeeymo ah laga heynin.
Laba ka mid ah maraakiibtaas saliidda qaada ayaa waxaa leh Sacuudi Carabiya, oo sheegtay in maraakiibta ay gaareen waxyeello xooggan.
Sido kale Mid ka mid ah maraakiibta ayaa waxaa lahaa Norway, halka markabka afaraad ay leedahay Imaaraadka Carabta.
Saraakiisha Mareykanka ayaan illaa hadda wax faah-faahin ah ka bixiin waxa ku dhacay maraakiibta, mana hayaan caddeymo muujinaya cidda ka dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here