Iran oo sheegtay in magaalooyinka waweyn laga xiranayo maaskarada

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in amarka ah in la xirto maaskarada oo mid khasab ah laga fulin doono magaalooyinka waaweyn.
Amarkan ayaa hadda ka shaqeeya caasimadda dalkaas ee Tehraan.
Waxaa ay tallaabadan ka mid tahay dadaallada looga hor tagaya faafitaanka caabuqa corona.
Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in ganaax lacageed la saaraya dadka aan amarkan u hoggaansamin.
Iiraan waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga xaqiijiyay in 251 qof oo dheeraad ah ay ugu dhinteen cudurka COVID-19 halka kiisaska coronavirus ay gaareen 500,075 kaddib markii la diiwaangeliyay 3,822 xaalado cusub ah.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Iiraan Sima Sadat Lari ayaa warbaahinta u sheegtay in dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ay hadda tahay 28,544.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here