Iran oo sheegtay inay diyaar u tahay daaweynta dhaawaca Lubnaan

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay caawimaad caafimaad gaarsiiyaan wadanka Lubnaan oo ay saameyn ka soo gaartay qarax gilgilay.
Sido kale xukuumadda Tehraan ayaa xustay inay dhakhaatiir gaynayso Beirut.
Xasan Ruuxaani ayaa sidatan u sheegay warbaahinta dowladda ee dalkaas.
Mr. Ruuxaani ayaa sheegay inuu rajeynayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo ogaado sababta weerarkaasi ka dambeysay.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacday wadanka Lubnaan.
Qoraal uu soo dhigay barta rasmiga ee Twittarka ayuu ku sheegay inay xilligan adag garab taagan yihiin oo ay murugada la qaybsanayaan dalka iyo dadka Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here