Iran oo soo bandhigtay hannaan cusub oo dhanka difaaca

Madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa magaalada Tehraan ku soo bandhigay mid ka mid ah gantaalada cusub ee ridadda dhexdexaadka ah ee difaaca.
Hannaankan ayaa lagu magacaabaa Bavar-373 waxayna tani ku soo aadaysa iyadoo ay xasarad ka dhex jirto wadamada Maraykanka iyo iiraan.
Sannadkii hore ayay ahayd markii xukuumada Washington ay si iskeed ah isaga baxday heshiiskii 2015-kii ee ku aadanaa hubka nukliyeerka.
Saraakiisha iiraan ayaa hubkan cusub ku tilmaamay midkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo lagu sameeyo gudaha dalkaasi.
Madaxweyne Xassan Ruuxaani ayaa hoosta ka xarriiqay in gantaalkan uu gudbi karo masaafo dhan 200 oo kiilomitir oo dhanka cirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here