Iran oo wadamada Yurub u qabatay 2 bilood

Madaxweynaha dowladda iiraan Xassan Ruuxaani ayaa dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub waxaa uu u qabtay laba bilood oo ay ku badbaadinayaan jiritaanka heshiiskii 2015-kii.
Heshiiskaasi oo ay iiraan la saxiixatay wadamada ugu awoodda badan caalamka ayaa ku saabsanaa hubka nukliyeerka.
Waxyaabihii la isku afgartay waxaa ka mid ahaa in iiraan laga qaadato cunaqabateenada saaran haddii ay qafiifiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Hasa ahaate dowladda Maraykanka ayaa is-afgaradkaasi isaga baxday iyadoo xukuumadda Tehraan ku eedeysay inaynan daacad ka ahayn u hoggaansanka qodobadii ku xusnaa heshiiskaasi.
Iiraan ayaa Faransiiska oo sheegay inuu ka shaqeynayo badbaadinta isfahankaasi ka dalbanaysa inuu ka dhabeeyo ballanqaad ahaa in xukuumadda Tehran ay heleyso ilaa 15 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha ka soo xaroodo iibinta shidaalka haddii ay si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here