IRC oo war ka soo saartay baaritaannada coronavirus ee wadamada dagaalladu ka jiraan

Guddiga caalamiga ee badbaadada ee IRC ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhaxeyo haweenka iyo ragga marka la eego kiisaska coronavirus ee laga soo tabiyay dalalka ay colaadaha ka taagan yihiin.
IRC ayaa tusaale u soo qaadatay qeybo ka mid ah qaaradda Afrika iyo bariga dhexe.
Guddihan ayaa xusay inay sarreyso tirada ragga ee laga helay cudurka oo ayna suurtagal tahay in haweenka aynan fursad siman oo dhanka baaritaannada iyo daryeelka ah helin.
IRC waxay sheegtay in ugu yaraan boqolkiiba 70 ee xaaladaha coronavirus ee wadamada Pakistan, Afghanistan , Afrikada bari , Chad ,Soomaaliya iyo Yemen rag laga helay.
Stacey Mearns, oo ah la taliye sare oo dhanka adeegyada degdegga ee caafimaadka ayaa sheegtay in la doonayo in arrinkan sigaar ah loo eego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here