Isaac Ruto oo beeniyay in dowladda ay diyaarad uga soo qaadday Bomet

Kaddib warar lagu faafiyay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayuu hoggaamiyaha xisbiga CCM Mr. Isaac Ruto gaashaanka u duruuray in shalay loo diray diyaarad ka soo qaadday ismaamulka Bomet si uu u tago madaxtooyada State House ee magaaladatani Nairobi.
Mr. Ruto oo horay u soo noqday barasaabka dowlad deegaanka Bomet ayaa xusay in shalay subax ay soo wada safrene xaaskiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in diyaaradii sidday ay ka soo degtay gagida Wilson Airport, hasa ahaate safarkiisa uunan wax xiriir ah la lahayn tagidda State Hose ee la isla dhex maraya.
Madaxa xisbiga CCM ayaa sheegay inuu baraha bulshada ku arkay wararka sheegay inuu u soo safro madaxtooyada si uu uga qeyb galo dib u habeyn iyo isbeheysi siyaasadeed.
Mr. Ruto ayaa arrin horay looga bartay ku tilmaamay safarrada uu ku tago deegaannada ama ismaamullada kala duwan isagoo adeegsanaya mid ka mid ah diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaco ee loo yaqaano helikobtarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here