Isbeddel lagu sameeyay qiimaha shidaalka ee dalka

Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ayaa dib u eegis ku sameeyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
Nooca bartoolka ee loo yaqaano super petrol ayaa gudaha Nairobi halkii liitar lagu iibin doonaa 92.87 oo shilin.
Arrintan oo dhaqan gashay sadqdii dhexe ee xalay ayaa sii jiri doonto ilaa 14-ka bisha shanaad ee sannadkan.
Maamulka EPRA ayaa qiimaha shidaalka Super Patrol ka dhimay 18 halkii liitar halka naaftada iyo Kerosene-ka liitarkii laga yareeyay 4.09 iyo 18.18 shilin.
Dib u eegistan ayuu maamulka u aaneeyay inuu hoos u dhacay qiimaha lagu soo dejiyo shidaalka laga keeno dalka dibadiisa.
Naaftada waxaa hadda si tafaariiq ah gudaha Nairobi Diesel loogu iibin doonaa 97.56 halka Kerosene lagu kala qaadan doono 77.28 shilin.
Gobolka xeebta marka la eego Super Petrol waxaa lagu iibinaya halkii liitar 90.40 oo shilin, naaftada ama Diesel 95.09 shilin iyo Kerosene oo ah 74.82 shilin.
Ismaamulka Kisumu qiimaha ayaa kala ah 93.67, 98.49 iyo 78.27 shilin mid kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here