Isbeheysiga Milatari ee Yemen oo loogu baaqay inuu joojiyo tageerada imaraadka ee kooxaha gooni u goosadka

Madaxweynaha dowladda caalamka uu aqoonsanyahay ee dalka Yemen Cabdu-rabbdu Mansuur haadi ayaa isbeheysiga milatari ee uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro xuutiyiinta Yemen ugu baaqay inuu wax ka qabto taageero dowladda isku tagga imaraadka carabka ee UAE lagu eedeyay inay siiso kooxo gooni u goosad ah.
Kooxdaasi ayaa ka daggaalanto Koonfurta dalkaasi waxayna doonaysa inay maamusho magaalada Cadan iyo deegaanada ku xeeran.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii saraakiil ka tirsan dowladdiisa ay eedeyn dusha uga tuureen imaaraadka.
Waxay ku dhaliilayaan in dowladda dalkaasi ay gaysatay weeraro dhanka cirka oo ka dhan ah saraakiisha dowladda Yemen.
Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay taageero loo muujiyay golaha gooni u goosadka ku meel gaarka ee dhanka koonfureed ee (STC).
Wasiirka warfaafinta ee dalka Yemen Mucammar al-Eryani ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 40 sarkaal halka sido kale lagu dhaawacay ilaa 70 qof oo shacab ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here