Isbeheysiga Sacuudiga oo sheegaya inuu soo riday diyaaradda Xuutiyiinta

Isbeheysiga militari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ee taageeraya dowladda Yemen ayaa sheegay inuu soo riday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn taasoo ay adeegsanaysay kooxda Xuutiyiinta.
Qoraalka ayaa intaa ku daraya in diyaaradda ay sidday waxyaabaha qarxo oo ayna ku wajahneyd boqortooyada.
Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa sidatan ku warramaysa.
Ilaa iyo hadda dhanka Xuutiyiinta lagama hayo wax xaqiijin ama beenin ah oo ku saabsan sheegashada isbeheysiga militari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here