Isbitaal maalmo ka hor shaaciyay inuu hayo qalabka lagu daaweyo Coronavirus oo la xiray

Golaha dhakhaatiirta dalka ee (KMPDC) ayaa muddo lix bilood ah hakiyay howlaha isbitaalka Avane Limited Medical Clinic ee ku yaalla magaaladatani Nairobi.
Waxaa sido kale maamulka xaruntaas caafimaad lagu ganaaxay lacag dhan 500,000 oo shilin.
Tallaabadan ayaa timid maalmo un kaddib markii maamulka isbitaalkaas uu baraha bulshada ay ku wada xiriirto uu soo dhigay xayaysiin ku saabsan inuu 3000 oo shilinka dalka ah ku iibinayo qalabka lagu daaweeyo cudurka COVID-19 ee kiisas la xiriira lagu arkay gudaha wadanka.
Isbitaalka ayaa la xiray kaddib howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen madaxa fulinta ee golaha KMPDC ,Daniel Yumbya iyo saraakiisha booliska.
Guddoomiyaha KMPDC ,Eva Njenga ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in Dr. Pranav Pancholi oo ah maamulaha isbitaalka muddo lix bilood ah uunan adeegsan Karin leesinkii uu ku shaqeynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here