Isbitaalada ku yaal magaalada São Paulo oo u dhaw in ay bur-buraan

Maayarka magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa sheegaya in habka caafimaad ee magaalada uu qarka u saaran yahay inuu bur-buro oo waxaa laga cabsi qabaa iney isbitaalada buux dhaafaan.
Waxaa sare u sii kacayso baahida loo qabo sariiraha la seexiyo dadka uu aadka usoo ritay fayraska corona.
Bruno Covas ayaa sheegay in barasaabka gobolka ay kawada hadlayeen in magaalada gabi ahaanba lagu soo rogo Bandow habeen iyo maalin ah.
Bruno Covas ugu baaqay shacabka in ay joojiyaan jabinta sharciga xayiraadaha laga soo rogay dalkaasi.
São Paulo aad ayuu u saameeyay xanuunka fayraska oo waxaa ku geeriyootay ilaa 3,000 o qof.
Wasaaradda caafimaadka ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay soo werisay 7,938 oo kiisas cusub ah, taasi oo tirada guud dadka uu soo ritay xanuunka ka dhigeyso 241,000.
kiisaska dhimashada ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa gaaray 485, oo qof waxaana taasi micneheedu yahay in tirada guud ee dhimashada haatan gaartay 16,118 waana dalka shanaad ee ugu dhimashad badan dunida oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here