Isbitaalka guud ee Lodwar oo manta laga bilaabay talaalka cudurka qoorgoyaha

Talaalka cudurka qoorgooyaha ayaa shalay laga bilaabay Isbitaalka Guud ee Lodwar
Ololaha cudurkaan ayaa laga bilaaway ismaamulada Marsabit, Turkana, Wajir,Mandera iyo West Pokot kuwaas oo khatar ugu jira cudurkaan
Dhaqaatiirta ayaa ololaha talaalka ee cudurkaasi oo loo yaqaano Mengites ayaa u adeegsanayaa irbado si uu san caabuqiisa u faafin.
Waxaa cudurkan laga talaalayaa qiyaastii 3 milyan oo qof oo da’doodu u dhaxayso 1 sano iyo 29 sano jir
Cudurkan ayaa laga soo tabiyay xuduudaha Koonfurta Suudaan, Itoobiya iyo Ugandha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here