Isbitaalka Mombasa oo la xiray kaddib dabkii ka kacay

Waxaa si ku meel gaar ah albaabada la isugu dhuftay isbitaalka Mombasa ee gobolka xeebta kaddib dabkii ka kacay habeenkii ay Arbacada soo galeysay.
Booliska ayaa sheegay in hanti aan weli qiimaheedu la cayimin inay halkaasi ku burburtay.
Hasa ahaate ma jiro qof ku dhintay ama uu dhaawac ka soo gaaray dhacdadaasi.
Taliyaha booliska ee gobolka xeebta Rashid Yaaquub ayaa sheegay in natiijada ka soo baxday baaritaano hor dhac ah oo la sameeyay ay muujinayso in dabka uu ka billowday qeybta jikada ee bukaannada iyo shaqaalaha isbitaalka cunnada loogu kariyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dabkaasi oo la soo tabiyay 8.30 fiidnimo uu ku sii fiday qeybaha kale ee isbitaalkaasi oo ay yaallaan ilaa 125 sariir oo bukanka loogu tala galay.
Maamulka isbitaalka Mombasa ayaa hadda qiimeyn ku sameynaya khasaaraha rasmiga ee uu dabku dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here