Isbitaalka Shalom ee ismaamulka Machakos oo la xiray

Isbitaalka Shalom ee ku yaala Athi River ee ismaamulka Machakos, ayaa si ku meel gaar ah loo xiray kaddib markii caabuqa COVID-19 lagu arkay xaruntaasi.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Machakos Alfred Mutua ayaa Sabtida maanta ah sheegay in go’aanka lagu xirayo xarunta ay timid kaddib wada tashi lala yeeshay dhakhaatiirta Caafimaadka dalka iyo agaasimaha guud ee caafimaadka.
Tiro aan la garaneyn oo bukaanno ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen xarunta iyagoo uu ku dhacay cudurka ‘COVID-19.
Waxaa laga cabsi qabaa in bukaan jiifyadii isbitaalkaas ay qaadeen xanuunkan halista ah.
Shaqaalaha caafimaadka isbitaalka Shalom ayaa sido kale laga baaray cudurka.
Xaruntan ayaa hadda laga dhigi doonaa xarun karantiil ah si dhamaan bukaanadii jiiftay isbitaalka loo galiyo karantiil Khasab ah.
Barasaabka Machakos Dr Alfred Mutua ayaa sheegay in baaritaanada caafimaad ee Shalom ay qaadan karto dhawr maalmood.
Guud ahaan fayraska ayaa dalka ku dhacay dad gaaraya 5,533 qof ,waxaana u geeriyootay 137 iyadoona ay ka caafimaadeen 1,905.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here