Isbitaalka Shalom ee ku yaala Machakos oo albaabada la isugu dhuftay

Isbitaalka Shalom ee ku yaala ismaamulka Machakos ayaa la xidhay ka dib markii canug yar oo 7 sano jir ahaa oo loo keenay daaweyn isbitaalkaasi uu ku geeriyooday.
Canugan yar oo jirkiisa qeyb ka mid ah gubnaa ayaa la sehegay in isbitaalka Shalom cirbad ay ku dureen ay sabab u noqotay geeridiisa .
Gudoomiyaha isammaulka machakos Dr Alfred Mtua ayaa maanta shaaciyay in gabi ahaanba isbitaalkaasi la xiray.
Sido kale waxaa uu sheegay in isbitaalka Salom lagala laabanayo ruqsadii uu ku shaqaynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here