Isbitaalka weyn ee Moi ee deegaanka Voi oo la xiray

Waxaa la xiray isbitaalka weyn ee Moi oo ku yaalla deegaanka Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Tani ayaa timid kaddib markii sideed ka mid ah shaqaalaha xaruntaas laga helay cudurka COVID-19 .
Xiritaanka isbitaalka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay agaasimaha adeegyada caafimaadka Elvis Mwandawiro.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in go’aankan la qaatay si looga hor tago faafidda fayraska.
Mr. Mwandawiro ayaa sidoo kale sheegay in isbitaalka la buufinaya isagoo intaa ku daray in qaybta qalliinka keliya ay shaqeyn doonto.
Shacabka Voi ayaa loogu baaqay inta isbitaalku uu xiran yahay in ay daryeel caafimaad ka raadsadaan xarumaha kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here