ISIS oo sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Mozambique

Kooxda isku tilmaanta dowladda islaamiga ee ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar laga gaystay waqooyiga dalka Mozambique.
Meesha uu falkan ka dhacay ayaa dhanka Koonfureed laga beegan goob laga fulinayo mashaariic dhanka shidaalka oo lagu qarash gelinaya 60 bilyan oo doolar.
Maalinkii isniinta ayay ahayd markii maleeshiyo ay weerartay magaalada Mocimboa da Praia.
Wakaaladda wararka ee Amaq ee ISIS lala xiriiriyo ayaa ku warramaysa in ciidamo milatari iyo boolis dhowr ah ay dagaalyahaannada falkaas ku dileen ama ay ku dhaawaceen.
Hasa ahaate Dowladda Mozambique ayaan weli faahfaahin ka bixin khasaaraha weerarkaas ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here