Isku aadka cayaaraha Chapa Dimba Na Safaricom ee Garissa oo la shaaciyay

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa shaaca ka qaadday sida kooxaha kala duwan ee ka qeyb galaya tartamada kama dambeyska ee cayaaraha Chapa Dimba Na Safaricom la isugu aadiyay.
Cayaarahan oo ah kuwa gobolka waqooyi bari ayaa maalmaha sabtida iyo axadda ee nagu soo aaddan lagu qaban doonaa jaamacadda magaalada Garissa.
Waxaa ugu horeyn maalinka sabtida taariikhduna ay tahay 23-ka bishan is arki doono kooxaha Berlin FC ee magaalada Garissa iyo Almumtaz oo ka dhisan magaalada Madogashe ee deegaanka Lagdera.
Waxaa ku xiga oo isla sabtida dheeli doono kooxda Al-Ansaar ee Wajeer iyo Admiral oo Mandera matalaysa .
Axadda oo ah 24-ka bishan waxaa tartanka Finalka ama kama dambeyska isugu imaan doono labadii koox ee soo baxdo iyadoo abaalmarino la guddoonsiin doono.

Kooxda Berlin FC ayaa la filayaa inay mar kale difaacdo guul ay horay u soo hooysay.
Kooxda Al Ansar oo ka dhisan gudaha ismaamulka Wajeer oo xilligii ugu dambeeyay gashay nambarka labaad , cayaartooyda Admiral ee bariga Mandera iyo Al Mumtaz oo ka dhisan magaalada Modogashe ee Lagdera ayaa u qalmo tartanka .
Shirkadda Safaricom ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa sheegtay in ugu yaraan 40 kooxood oo ah kuwa cayaaraha ee gobolka waqooyi bari inay ka qeyb qaateen tartamadii deegaanada ee xilli cayaareedkan.
Safaricom ayaa sheegtay in cayaarta lagu qaban doono Garissa lagu saleeyay saameynta tartamadan ay ku yeesheen dhalinyarada gobolka.
isku duwaha cayaaraha Chapa Dimba Na Safaricom Mr. Patrick Korir ayaa shacabka ugu baaqay inay maalmaha sabtida iyo Axadda ee nagu soo aaddan ay si weyn ugu soo baxaan daawashada tartanka si ay taageero ugu muujiyaan kooxaha kala duwan.
Kooxdii guulaysato waxaa la siinaya abaalmarin lacageed oo dhan 200,000 iyo inay tartamada final-ka ee heer qaran ay ka qeyb gasho bisha lixaad ee sannadka 2020.
Kooxdii aan guulaysan balse ka qeyb gashay tartanka kama dambeyska ah ayaa la siinaya 100,000 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here