Isku shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha amniga gobolka Xeebta

Saraakiisha amniga ee ugu saraysa gobolka xeebta dalka ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay taasi oo loogan goleeyahay la dagaalanka loogu jiro daroogada.
Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta Marcus Ocholla ayaa dib loogu celiyay Gobolka Rift Valley halka dhiggiisa Mombasa Johnstone Ipara loo wareejiyay ismaamulka Uasin Gishu.
Gobolka xeebta ee dalka ayaa mudooyiinkii ugu dambaysay waxaa ka dhacayay falal amniga lidka ku ah.
6-dii bishan ayay ahayd markii kooxo burcad ah ay dad badan ku dhaawaceen xaafada Bamburi oo ka tirsan degmada Kisauni.
Ciidamada booliska gobolka xeebta ayaa sare u qaaday xaqiijinta amniga shacabka ku nool gobolkaasi.
Sido kale maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Mombasa laga fuliyay hawlgalo ka dhan ah maandooriyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here