Isku soo bax BBI oo maanta lagu qabanayo Narok

Dhalinyarada dalka ayaa loogu baaqaya in ay ka soo horjeystaan siyaasadda kala qeyb sannanta ku dhisan islamarkaasina ay taageeraan warbixinta BBI.
Barasaabka ismaamulka Narok Samuel Ole Tunai ayaa shacabka Kenyaanka gaar ahaan dhalinyarada uga digay inaan si khaldan loo adeegsan.
Hadalka barasaabka ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta isku soo baxa shanaad ee gudiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka Kenyaanka ee BBI-da lagu qaban doona ismaamulkiisa Narok.
Isku soo baxa maanta ayaa lagu qaban doona garoonka ciyaaraha ee Ole Ntimama.
Waxaa isku soo baxa maanta hoggamin doona hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Guddiga BBI ayaa la magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddeexaad ee sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
27-kii bishii 11-aad ee sannadkii hore ayaa xarunta Bomas ee Nairobi lagu soo bandhigay warbixin lagu soo koobay aragtida Kenyaanka iyo isbeddelada ay doonayaan.
Qodobbada la soo jeediyay waxaa ka mid ah in wadanka uu lahaado ra’iisul wasaare sido kalena hadii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay inay ku xigeen haweeney u noqoto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here